Ciidanka Amniga Muqdisho oo Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay 2 ka mid ah Al-shabaab

Muqdisho (warsoor) – Ciidanka sugidda Amaanka Caasimadda ee SAMA ayaa Maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-shabaab oo ku hubeysanaa Bistoolado.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in inta Ciidamadda aysan tooganin Maleeshiyaadka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse Maleeshiyadii oo bastoolada ku habeysanaay ayaa dagaalamay, ugu dambeyntiina la toogtay, kuwaasi oo qorsheynayay in ay waxyeello u geystaan Dadka shacabka ah.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay.

Ciidamada amniga oo mar walba ku howlan inay ka hortagaaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kuwoodii ugu dambeeyay ay ka mid tahay dhacdadii Ciidamada Sugidda Amniga Casimadda SAMA qeybtooda Afgooye ay ku fashiliyeen gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa, kaasi oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.