Ciidamada Jubbaland iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalamay duleedka Kismaayo

KISMAANYO – (WARSOOR) – Waxaa maanta duleedka magaaladda Kismaanyo uu dagaal culusi ku dhex maray ciidamada maamul goboleedka Jubbaland iyo kuwa xarakadda Al-shabaab, dagaalkan oo la isku adeegsaday noocyadda kala duwan ee hubka, waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiray.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubaland oo howlgal ka wada deegaanada Canjeel iyo Kaba Kibir ee galbeedka magaalada Kismaayo ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus oo saacado badan socday.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu khasaare kala duwan ka soo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay, hase yeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka khasaaraha gaaray dhan walba.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland, balse ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta.

Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ka howlgalla gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.