Casharo ku saabsan Dabka oo Bulshada faaido u leh

Hargeysa – (WARSOOR) – Shabakada Ciidanka Dabdemiska Qaranka Waxaad Kala Socon Kartaa Wararka Iyo Warbixinaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland,Sidoo Kale Waxaad Kala Socon Kartaa Hawlgalada Ciidanka Dabdemiska Qaranka.. Dabdeminta iyo ka hor taga dabka waxyeeladiisa wexey u baahantahay tabaabusho, ka digtooni iyo u diyaar garow farsameysan oo dhinac kastaba ah sida: Baabuur dabdemis ah oo macquul ah oo kasoo bixi kara hawsha loogu tala galey, shaqaale tababaran oo tababarkooduna xidhiidh yahay oo haysta qalabyada kala duwane dab la dirirka loogu tala galey iyo meelo rugo ah (Fire Stations) oo ay heegan ku ahaadaan afar iyo labaatanka saacadoodba. Dabkuna wuxuu ka mid yahay cadawyada faraha badan ee loo baahanyahay in dadweynaha laga difaaco ee maaha sida aynu inagu u haysano oo keliya in dalka laga difaaco cadow dibedda kasoo weerera oo keliya, ammaseba dadweynaha amaankooda laga ilaaliyo tuugada iyo wixii tacadi ah ee kale, hase yeeshe had iyo jeerba waxaa laiska dheyelsada cadow meel kasta kuugula nool oo waxyeeladiisuna tahay mid aan lagasoo waaqsan kareynin cadowgasuna u yahay dabka.

Hadaba maanta waxan doonaaya ineynu fahanno inuu dabku uka mid yahay cadawyada faraha badanee la doonaayo in dadweynaha laga nabad geliyo loona helo ciidamadii hawshaas gudan kara oo ah koox khaas ah oo loo tababarey iney dab walboo dalka ka dhaca iney la diriri karaan oo ay dadka iyo hantidoodaba ka badbaadiyaan. Maaha ineynu dheyelsano oo aynun sugno intuu dab imanaayo iyedoon loo diyaar garoobin midnaba koox ahaan iyo qalab ahaanba oo aan loo sii sameynin hawl gal cad (Contingency Plan) oo ayku cad yihiin sidii looga hor tegi lahaa dab nooc kastaba ha ahaadee ee iman kara.
Maaha oo keliya in lagu soo kooobo laguna haleeyo kooxda Dabdemiska waxyeelada dabka iney wax ka qabtaan, ee waxaa iyena aad u muhiim ah in dadweynaha wacyi gelin fara badan loo sameeyo iyedoo wasaarad walba iyo hay’ad walba sida adduunweynahaba shaqaalohooda loogu tababaro tababarka aasaasiga (Basic Fire Fighting) ahee dabka loola diriro inta u yaryahay, ammaseba sidey ula sii diriri lahaayeen una sii yareyn lahaayeen khatartu geysan lahaa,haddii ay koox dabdemis ahi jiraan inta aysoo gaadhaayaan. Waxaa kaloo jirta sida inta badan dadku ay u caadeysteen in caruurta yaryar la baro nadaafadooda iyo asluubta wacan ee waalidku ilmaha ku koriyo, hase yeeshe la ilowsanyahay oo aan meeshaba lagu darin caruurta u sheega khatarta dabka, sida in aaney ku cayaarin kibriidka, Feynuuska ammaseba qalabyada ku shaqeeya korontada iyo wixii dab horseedi kara oo dhan taasoo haddii caruurta iyo iskuuladaba barnaamijkaas laga hir geliyo sida adduunweynuhuba yeelaan in laga faaideysan karo maskaxda cusub ee caruurta yar yari leeyihiin una diyaarka ah iney sida cajaladda wax walba ku keydiyaan caqliga wax qabashada fiican ee awoodda u ilaahey siiyey. Markii baadhis fara badan lagu sameeyey Caruurta yaryari waxaa la ogaadey iney yihiin kuwa ugu badan ee dabka sababa (causes of Fire), hadana dhinaca kalena waxa la ogaadey iney yihiin kuwa ugu faraha badan ee arka ammaseba waalidkooda u soo sheega inta dabku u yaryahay ammaseba u dab kacey, waxaana halkaas loogu magac darey iney yihiin dab baadheyaal (Fire Detectors) sababtoo ah markey guriga joogaan ma fadhiistaanee sida giraanta ayey kolba iyegoo isu eryanaaya galaan hadba makhsinada guriga halkaaso ay ku helaan fursado fara badan ayku arkaan dababka ka bilaabma qolalka aan Markaas cidi joogin. Markaas barista iyo ka faaideysiga caruurta tababarani aad ayey ugu muhiim yihiin nabad gelyada guryaha iyo hantida dhax taalaba.
Beryahan dambe in badan ayeynu aragney ammaseba maqalney guryo fara badan oo gubtey sababta ugu badanyihiin caruur guriga looga tegey dushana loogasii xidhey albaabada guryuhuna yaallin dab nool iyo feynuusyadoo siraadan, hadaba anu isweydiinee muyuu jira waalid caruurtiisa neceb oo raba iney kaga gubtan dabka? Jawaabtuna waa maya ee waxaa jirta aqoon la’aan iyo dheyelsi waalidiinta ka haysata waxyaabaha ayku kacayaan waxyeelada ka iman karta iyo welibana aqoon la’aan ka haysata cilmiga dabka. Dadweynaha iyo waalidkuba looma baahnaa iney cilmi sida u weyn oo dheeraad ah ayku lahaadaan cilmiga Dabdemiska, hase yeeshee waa iney ogaadaan dabku sidaanu hore u soo sheegney inuu ka mid yahay waxyaabaha loogu isticmaalka badanyahay, hase yeeshe haddii isticmaalkiisa aan loogu isticmaalin siduu ku haboonyahay inuu isu bedelo cadow xoog badan oo baabi’iya aadmiga iyo hanntidoodaba. Iyedoo dalka oo dhaami ayka wada simanyihiin camiraada iyo hanti lacag badani ku fadhida ayku suganyihiin oo maallinba maallinta kasii dambeysanakusoo kordhayaan ayaa weli cidina ka fikirin maankana ugu jirin hantida intaas leeg wixii lagaga badbaadin lahaa Haddii u dab qabsado hanoqdaan kaalmaha shiidaalka, bacadleyaasha, wershedaha, shirkadaha war isgaadhiinta, super market yada, guryaha waaweyn, siiba kuwa dabka ugusii nugul ee guryaha dadweynaha caadiga ah oo aan heli Karin wax kaloo bedaal u noqda haddii intaa yari ka gubtan.
Hadaba dabku in badan ayuu digniin bixiyey oo waxna lagu qaadan waayey, cidina yaaney u maleynin inuu dabku uu indho leeyahay oo u kaga leexan doono hanti walba oo beylahsan ee waxaad ku tala gasha maahmaahdii ahayd ninkii qeyrkii loo xiireyoow soo qoyso adiguna, waxaana ku waajib ah inuu qof walbauka sii tabaabusheysto intaanu waxyeeladiisu soo gaadhin. Dabka sida looga hor tago (Fire Prevention) ammaseba loogu diyaar garoobo iska celintiisa aad ayey u hawl yartahay, hanti badan na uma baahnaa, waa iyedoo la fahmo inuu dabku yahay cadow qarsoon oo meel kastana kuugula nool, Markaas waxaa kuugu waajib ah inaad aqoontiisa asaasigiisa ad wax ka barato, dabdemiyeyaasha gargaarka kowaadna (First Aid Portable Fire Extinguishers) kana aad dhigato, sida loo isticmaalo iyo waxyeeladiisaba ayku baraan Ciidanka dabdemiska Qaranka ee aanu noqonin sida imika cid kasta u iska yidhaahdo maxaa ka micna sow intaan la boodo dabka un ku fiiqi mayo, hase yeeshe aanu aqoonin nooca dabka lagu isticmaali karo, khatarta Haddii u isticmaalo demiye aan ku habooneyn dabka, inta uu u jirsanaayo dabka, inta u shaqeynaayo dabdemiskaasu, waxyeeladu geysan karo, marka ku haboon ee la adeegsan karo, waxaa ku waajib ah iyo halka uka istaagaayo dabka, waxyeelada uu ugeysan karo asaga iyo cidda kale meeshaas ku jirta, xilliga ku haboon inuu badbaadiyo haddii cidi ku oodanto, xilliga looga baahanyahay inuu naftiisa badbaadiyo, xilliga iyo sida gargaare loogu yeedho iyo farsamooyin kaloo badan oo la baran karo.
Hadaba waxaa haboon inaan dabka iyo halistiisa aan la dheyelsanin lagana sii tabaabusheysto intaanu dhicin:
1. Sida waxaa aad u muhiim ah in la barto telefoonka Ciidanka Dabdemiska loogu yeedho oo ah 990 marka ugu horeysa ee dabka la arko inta u yaryahay ee dadweynuhu aaney isku deyin iney iyegu demiyaan, markey demin kari waayan ee u dabkuna faraha ka baxo oo u weynaado khasaare hanti iyo nafeedba u geysto in markaas Ciidanka Dabdemiska loo yeedho sidey dadweyne fara badani ay caadeysteen arrintaas oo khalad ah.
2. In qofka dabka soo sheegaaya aanu firka nixin oo u hadalkiisa qunyan u hadlo si loo fahmo, asagoo deganna u sheega halka u dabku ka dhacey, Degmadey tahay, xaafadey tahay, halka ugu dhow ee lagusoo tilmaansan karo, ammaseba wadada ugu dhow ee loo soo mari karo welibana asagoo wadada isusii taagaaya Ciidanka Dabdemiska ee soo gurmanaaya.
3. Dadweynuhu waa iney ka waantoobaan in meesha iyo guriga gubanaaya ku soo ururaan sida had iyo goorba dhacda halkaas oo ay halis ugu jiraan gaadiidka dabdemiska ee soo socda, ciidanka dabdemiska oo ay cidhiidhi fara badan geliyaan halkaas oo ciidanku aaney ka helin meelo ay tuubooyinka la maraan, wexey dadweynuhu halis ugu jiraan haddii ay tuubooyinka mid ka mid ah u ka xidhiidh furto tuubooyinka kale waxaa u dhinacyada u rafta sida maska taas oo u geysan kara cawaraad halis badan, waxaa kaloo jirta haddii u dabku si lama filaan ah uu u weynaado ammaseba gurigaasu si kedis ah uku dumo waxaa dhibaato ay soo gaadheysa dadweynihii kusoo ururey dabkaas. Waxaa kaloo iyena halis badan ku soo kordhiyey guryaha gubta haamaha Gaasta ahee raashinka lagu Karsado oo iyena dabka sii huriya haddii ayku neefsato iyo haddii aan laiska dhawrin iyena dhibaato qaraxyo keenta oo baabi’isa guriga iyo wax alaaliyo wexey gaadho dad iyo duunyoba.
4. Qofka dabka soo sheegaaya waa inuu runta ka sheega waxa gubanaaya oo aaney sameynin sida had iyo goorba dhacda iyeda oo ay gubaneyso xashiish iney kusoo sheegaan inuu guri gubanaayo oo welibana cidi ayku jirto, taasu wexey waxyeelo u geysaneysa tabaabushihii iyo nidaamkii u yaaley gurmadka sida: in lagusoo gurmado ciidan xoog badan iyo gaadiid aan dabkaas looga baahney, waxaana ku khasaaraya shidaal aan loo baahneyn, mar haddii lasoo sheegey iney cid ku jirtana ciidanku wexey isku deyeyaan iney degdeg iyo Xawaare ku gaadhaan meeshaas loogu yeedhey taas oo ay halis ugu jiraan dadweynaha iyo gaadiidka faraha badan ee dariiqyada isticmaalaya sidey degdeg ugu dhaafi lahaayeen. Laakiinse haddii runta lasoo sheego wexey ku soo gurmanayaan kolba halista loo soo sheegey inta u leegyahay waxaan jirta nidaam ciidanka dabdemiska meel uga yaala gurmadka oo afka qalaad marka lasoo gaabiyo noqoneysa (E.T.S) oo ah (Emergency Turnout System) oo sheegaaya gurmad kasta baabuurta u baxeysa tiradooda iyo laxaadka ciidanka, mar marna dadweynuhu wey kuu sakhirayaan oo dab weyn oo faraha ka baxey ayey kuugu sheegaayaan inuu yahay dab yar, markaas haddii been lasoo sheego waxaa khaldamaaya waxyaabahaas aanu soo sheegney, Gurmadkuna u dhici mayo siduu ku haboona. Guryaha, meheradaha iyo wixii la mid ah waa in laga war haya oo had iyo goorba aan la cidleynin dabkuna waa cadow, cadowguna wuxuu ku eegta markaad beylahsan tahay, waxaanu dabku u baahanyahay iska ilaalin joogto ah.
Dadweynaha qaarkood marku dab kaco halkii ay uga yeedhan lahaayeen Ciidanka Dabdemiska ayey u yeedhaan booyado, hadaba dadweynaha sidaa yeelaaya waxaan u sheegaaya in aaney booyaduhu keligood waxba ka tari karin dabka sababtoo ah ma wataan tuubooyinkii dabka, xirfad iyo aqoona uma lahaa habka dabka loola diriro, mana garan karaan inta qiyaasta ahee biyaha lagula dagaalamaayo dabka (Discharge rates), iyedoo mararka qaarkood biyaha faraha badani guryaha ay wax yeeleyaan oo khasaare ka badan gaadhsiya inta dabku geysto. Ugu dambeystii waxaan dadweynaha kula talinaaya in Ciidanka Dabdemisku yihiin gargaarihiina iyo badbaadeyaashiina oo afar iyo labaatanka saacadoodba heegan idiin ku jira sidey idiin caawin lahaayeen, markaas waxaa idiinku waajib ah inaad gacan ku siisaan hawshooda, kana deysaan shiidka iyo dhagaxaanta adku haysaan, ciidanka ad dhaawaceysaan iyo gawaadhida dabdemiska ee aad jejebineysaan oo ah hantidiinii laga soo iibiyey cashuurta ad bixisaan, markaas hanti aad iska jejebisaan waa khasaare ad idinku isu geysaneysaan. Ilaa iyo Lixdankii markii xuriyadda la qaatey intaas waa la gubanaayey dalkuna muu lahayn Ciidan Dabdemis sida imika oo kale, dawladdeenuwey dadaashey oo wexey markii ugu horeysey taariikhda dalkeenan ayka semeysey Ciidan Dabdemis oo afar iyo labaatanka saacadoodba heegan ah, goboladana ka aasaastey sida Buro, Borama, Wajaale kuna tala jirto iney gobolada hadhsanna ayka wada sameyso, markaas waxaa lainooga wada baahanyahay in kaallintii shicibka iyo baayac mushtarkana ay kaallintooda ka qaataan si aynu gacmeheena wada jir ugu wada wax qabsano.
LA SOCO. Waxaa noosoo diyaariyey: Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xassan (Sawaxili). Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap