Caalamka oo ka walaacsan xaaladda madaxweynaha la afgambiyey ee Niger

NIAMEY – (WARSOOR) – QM iyo dalalka Reer Yurub ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka welwelsan yihiin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum oo gacanta ugu jira militariga xukunka kala wareegay.

Militariga Niger ayaa ku hanjabay inay dili doonaan madaxweyne Bazoum, haddii dalalka deriska ah ay isku dayaan faragelin militari si ay dib ugu soo celiyaan xukunkiisa.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa shalay amray in la hawlgeliyo ciidamadooda heeganka ah, inkastoo uu ururku rajo ka qabo in si nabad ah dib loogu soo celiyo dawladdii la afgambigii July 26.