Beesha Caalamka oo jawaab ka bixisay qoraalkii Villa Soomaaliya farriin adagna dirtay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Maalin ka hor Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa qoraal waxaa ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo Madax-banaanida Soomaaliya, isla markaana aan wax fareglin ah lagu sameyn Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika oo ka jawaabaya hadalkii dhawaan ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegey in ay ixtiraamayaan madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen madaxda Soomaalida in ay danta dalkooda ka hormariyaan danta gaarka ah, kana fogaadaan waxkasta oo keeni kara qalalaase.

Kadib kulan ay yeesheen Madaxda, Midowga Yurub, IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladda Soomaaliya marka la eego culeyska jira ee socda ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya ee haysta dib u dhaca doorashooyinka, iyo carqaladda sii socota ee wadahadalka u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo qaar kamid ah madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen madaxda inay xushmad u hayaan madax-bannaanida, dhuleed , madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta guud ee qaranka Soomaaliya isla markaana si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalka si loo helo tanaasulka arrimaha taagan, iyo in la hubiyo in aan la qaadin talaabooyin wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya nabadda iyo amniga, waxaana ay soo saareen baaqaan

1: in heshiiskii Sebtember 17 uu weli yahay wadada ugu macquulsan ee loo maro qabashada doorashooyin suuragal ah,, iyaga oo ku booriyay Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay dib u eegis ku sameeyaan oo ay ansaxiyaan isfahamkii Gudiga Farsamada ee 16kii Febraayo 2021 ku shiray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

2: in la sameeyo talooyinka iyo heshiis ku raadinta tanaasul wixii khuseeya arrimaha taagan ee daruuriga u ah doorashooyinka degdegga ah iyo hirgelintooda.

3: in Madaxda Soomaalida ku qancaan dadaalka bahwadaagta caalamiga ah ee fududeynta xiriirka ka dhexeeya madaxda Soomaalida iyo la-hawlgalayaasha si loo xoojiyo ka qaybqaadashada iyo cadeynta haddii loo baahdo habab cusub oo lagu taageerayo ku noqoshada wadahadalka daneeyayaasha siyaasada.

4: Dib-u-xaqiijinta go’aanka ah in aan la taageerin wax is-barbar socda, sida doorasho hal dhinac ah ama dadaallada cusub ee keenaysa in muddo kordhin la sameeyo.

5: ) In Madaxda Muujiyaan walaac culus oo laga qabo in ismari waaga siyaasadeed uu yahay mid saameyn xun ku yeelanaya nabadda, amniga, xasiloonida, iyo Nabadda Soomaaliya.

6: Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya inay sii wadaan horumarka lagu sameeyay dowlad dhisidda iyo siyaasad loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo kala wareejinta xukunka si nabad ah , si ay maanta uga dhabeeyaan danaha muhiimka ah ee Dadka Soomaaliyeed si ay u helaan doorashooyin nabdoon, xor ah, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo.

7: Waxaan ku boorrineeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo u horseedi kara inay koroto xiisadda Siyaasadeed.

8: Midowga Afrika, Midowga Yurub, & Hay’adda Dowliga ah ee Horumarinta, way sii wadi doonaan inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya. Ayaa lagu soo geb-gabeeyay qoraalka.

Xigasho: Ugaas Daldoon