Barkhad Batuun Ma Labeyn Doonaa Maxamed Biixi Shuuriye?– Qalinka: Cali Cabdi Coomay

17/2/1960 waxa guud ahaan Soomaalilaan ka bilaabmatay doorashadii baarlamaan ee ugu horraysay ee ay shicibku ku soo doorteen xubno gole sharci dejin ah. Waxa doorashadaasi ku tartamayey saddex xisbi oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF. Aakhrikii waxa lagu dhawaaqay 33 xubnood oo ahaa kuwii ku guulaystay inay noqdaan xubnihii baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Soomaalilaan yeelato. Xisbigii SNL ayaa helay aqlabiyadii xubnaha waxaanu helay 20 kursi, halka NUF uu helay hal kursi iyo USP oo heshay 12 kursi. Sidaasi ayaa lagu kala baxay. Xubnaha uu soo sharraxay xisbiga SNL waxa ku jiray Maxamed Biixi Shuuriya oo ka soo jeeday beesha Gabooye, gaar ahaan Tumaal.

Wuxuu noqday xubnihii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Hargaysa. Hargaysi waxa ay lahayd 7 degmo doorasho oo kala ahaa: Dumbuluq, Baanka, Sheekh Madar, Gabiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley, sida ku xusan buugga Taariikhda Maantu waa siyaasaddii shalay ee uu qoray Maxamed Cabdi Ismaaciil’ Digtoorka’. Maxamed Biixi Shuuriye iyo Cabdilaahi Sheekh Muuse ayaa ka wada sharraxnaa Hargaysa gaar ahaan waxa ay cododka ugu badan ka heleen degmo doorashada Baanka, oo halka ilaa imika degmo doorasho ah ee Khayriyada u dhaw. Maxamed Biixi Shuuriye wuxuu goobtaasi kaga adkaaday Cabdilaahi Sheekh Muuse oo wuxuu helay 2,488 cod, halka Cabdilaahi Sheekh Muuse uu helay 0404 cod. Wakhtigaasi dadku sidan aad bay u dhaameen oo qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ayaa la eegi jiray, haatan se qof kastaa wuxuu codkiisa siinayaa sida muuqata nin reerkiisa ah.

Haddaba maanta su’aasha taagani waxa weeyi afhayeen Barkhad Batuun oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ma noqon doonaa sidii Maxamed Biixi Shuuriye uu wacdaraha uga dhigay doorashadii baarlamaan ee dhacdy 61 sanno ka hor? Shaki kama jiro inuu Barkhad muujiyey karti iyo soo shaacbax mudakar ah oo uu qayrkii dhaamo. Laakiin waxa meesha iyana taalla dadku ma ugu hiilin doonaan inuu fursad u helo inuu ku guulaysto boos xilidhibaannimo? Waxa iyana meesha ku jirta xeeladda iyo farsamada uu Barkkhad ku kasban karo taageerayaal ka badan kuwa deegaankiisa ah sidii uu sameeyey adeerkii Shuuriya. Waynu se u wada jooji doonaa wixii xiga.

Qalinka:

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com