Badhasaabka Gobolka Hawd Ayaa Ka Warbixiyey Xaaladda Guud Ee Gobolka Hawd

BAliGUBADLE – (WARSOOR) – Badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Yare ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee gobolka Hawd isagoo ka hadlay roobabka maalmihii u dambeeyey ka dayey gobolkaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Hawd Maxamed Jiciir aw Axmed,waxa uu badhasaabku sheegay in xaalada gobolka Hawd tahay mid rooban wakhtigan Allena abaarihii ka jabiyey.

Guddoomiye Axmed Cige Yare ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Hawd uu ka da’ay roobkii guga isagoo bulshada u diray farriin ku saabsan sidii looga faa’idaysan lahaa biyaha roobka. Waxaanu intaasi ku daray inaanu wax khasaare ah gaysan roobabkaa gu’ga  marka laga reebo xoolo qabowgii ku naf waayey.

Guddoomiyaha gobolka Hawd, Axmed Cige yare ayaa sheegay in wakhtigan tahay xilligii laga faa’idaysan lahaa isagoo sheegay inay u qaybiyeen abuurkii wakhtigan ay beeran lahaayeen.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap