Baarlamanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaare Rooble

MUQDISHO – (warsoor) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii bishan September.

Dhammaan 215-kii xildhibaan ee fadhiday kulanka ayaa maanta codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo aysan jirin cid ka aamusatay ama diidday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor codka kalsoonida ka hadlay qodobo uu sheegay inuu muhiimadda siin doono oo ay ka mid yihiin amniga, doorashada, dhaqaalaha, bixinta adeegga, garsoorka iyo qodobo kale.

Shaqada ugu horreysay ee hortaalla ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah inuu soo dhiso xukuumad cusub oo dalka ka gudbisa marxaladda kala guurka ah, islamarkaana ka shaqeyso sidii loo fulin lahaa heshiikii lagu gaaray madaxtooyada 17-kii bishan, ee arrimaha doorashooyinka.

Xigasho: VOA SOMALI