Baanka Somaliland oo Bilaabay Hawl-gal ay Sicir Bararka Hoos Ugu Dhigayaan

Hargeysa – (warsoor) – Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa maalmahan bilaabay hawl-gal uu hoos ugu dhigaayo sicir bararka ku yimid lacagta Somaliland oo bilahan u dambeeyey baaxaadag joogtaha ku jirtay.

Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa saaka suuq-yadda sariflaha lacaga kaga uruurinaayey lacagta isagoo kaga iibsanaayey $100, lacag dhan 800,000 oo Somaliland Shilling ah.

Sarifka dollar ayaa mudooyinkan dambe dhex sabaynaayey inta u dhaxaysa 7,500 ilaa 8,500 oo Somaliland shilling ah $1 dollar. Waxaanay taasi saamayn ku yeelatay noloshadda dadka danyarta ah, waxaan si weyn looga dareemay ganacsiga hoose oo shaykasta marka la dalaco aanu hoos uga soo dhicin halka sicirkiisa lagu gooyo marka uu dollarku kaco.

Mukhtaar Cumar Sheekh Muxumed oo ka mid ah sariflayaasha magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in dhibaatadda ugu weyn ee sarifka doollarku ay tahay niman ka ganacsadda sarifka oo lacagta bakhaaro ku xaraysta ka hor inta aanu baanku lacagta kaashka ah suuqyadda ka xarayn, waxaanay taasi keentaa in maalmo yar ka dib uu sarifku halkii baanku hoos uga soo dhigay ay dib ugu noqoto.

Halkan ka daawo sida uu uga hadlay Mukhtaar Cumar:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.