Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Munaasibad U Qabtay Shaqaalihiisa

Hargeysa – (warsoor) – Baanka dhexe ee JSL ayaa munaasibad u qabtay shaqaalihii ugu hawl karsanaa sannadkii tagay,kuwaasi oo qaarna la dalacsiiyey qaarna la abaalmariyey.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadashay Agaasimaha shaqaalaha Baanka dhexe Marwo Khadra Daa’uud waxaanay ka warantay shaqaalaha la abaal marinayo iyo kuwa la dalacsiiyey,waxaanay sheegtay in shaqaalaha Baanku yihiin kuwo hawl kar ah shaqeeyana saacadaha ugu badan.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Cabdi Maxamed Maxamuud oo ku hadlayey afka shaqaalaha kana mid ah xarunta baanka dhexe ee magaalada Ceerigaabo oo ka mahadceliyey abaalmarintan iyo dalacsiintan taasi oo uu sheegay inay dardargalin doonto wax qabadkii shaqaalaha.

 Guddoomiyaha guddiga horumarinta Baanka dhexe Md. Cabdirashiid ayaa isaguna halkaasi ka hadlay oo sheegay in markasta ay diyaar u yihiin dhiirigalinta shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in qaabka lagu dalacsiiyey la dhigay dhibo toban qodob ah kuwaasi oo lagu qiimaynayo shaqaalah.

Ugu dambayn guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahin Baqaadi ayaa ka waramay tirada shaqaalaha,waxaanu sheegay in isku gaynta shaqaalaha la abaalmariyey yihiin 130 shaqaaleh ah oo qaarna la dalacsiiyey qaarna abaalmarin la siiyey.