Axmed Madoobe iyo mucaaradka Jubaland oo heshiis gaadhay

Jubaland – (warsoor) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday ee la baxay isbadal doonka Jubaland ayaa maanta heshiis ku gaaray magaalada Nairobi kadib wada-hadallo muddo socday.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Sida ku cad qodobada ku qoran nuqulka heshiiska, xubnaha isbadal doonka ayaa aqoonsaday doorashadii Kismaayo ka dhacday bishii August 2019, ee madaxweynaha loogu doortay Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in madaxweynaha Jubaland uusan xilka u tartami karin wax ka badan laba goor, sida ku cad qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland. Axmed Madoobe ayaa markiisii labaad la doortay bishii August 2019.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ku jira in madaxweyne Axmed Madoobe uu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo ay qayb ka yihiin Golaha lsbadal-doonka Jubbaland.

Dhinacyadan ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto heshiiska ay gaareen, kana caawiyaan sidii loo hir-gelin lahaa.

Xigasho: VOA Somali