Ammaanka deegaanada Galmudug oo si aad ah loo adkeeyay

Galmudug – (warsoor) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Warsaxaafadeed lagu mamnuucayo dadka ku dhex wata deegaanada kala duwan ee Gobolka Mudug.

Warkaasi ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee Galmudug ayaa lagu sheegay in wax dhaaf siisan Ciidamada Amniga aysan hub ku dhex qaadan karin Gobolka Mudug cidii lagu arkana laga qaadi doono talaabo waafaqsan Sharciga.

Arrintan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa sugitaanka Amaanka maadaama xiliya qaar kooxaha nabad diidka ah isku dayaan inay dhibaato geystaan iyaga oo dhuumaaleysanaya.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gaalkacyo ku sugan Baashi Cali Xaashi ayaa sheegay in laamaha ammaanka Galmudug ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo gud ahaan amaanka deegaanada Galmudug.

Amarkan ayaa imaanaya iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho dhawaan ka dhacday Galmudug,taasi oo haatan dadaalkeedi ay wadaan Madaxda Galmudug iyo kuwa Dowladda Federalka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.