Alshabaab oo Lix qof u Toogatay Eedaymo Basaasnimo

Jamaame – (warsoor) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ku toogatay lix qof oo lagu eedeeyey inay basaasiin u yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “maxkamad islaami ah” ay fulisay xukun dil ah oo lagu soo oogay lixdan qof, oo sida la sheegay “basaasiin u ahaa” sirdoonnada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Nin qaadi u ah Al-Shabaab, oo warbaahintooda ay soo xigteen, ayaa sheegay in lixdan qof ay uu xukunkoodu uu yahay “xaddu-riddah” oo ah in la dilo, sida uu hadalka u dhigay.

Ragga maanta la dilay ayaa magacyadooda iyo dhinacyada ay “u shaqeynayeen” lagu sheegay: Valueimpression Placeholder

1 – Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dolwadda federaalka ee Soomaaliya.

2 – Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.

3 – Cusmaan Cabdulle Afrax, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.

4 – Xassan Hafow Saney, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5 – Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley), oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

6 – Hilowle Bashiir Aadan, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

Toogashadan ayaa timid wax ka badan laba toddobaad un markii Al-Shabaab ay sidoo kale fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe ay ku toogatay illaa 6 qof oo ay ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya.

Inta badan dadka Al-Shabaab ay toogato ee lasoo eedeeyo ayaan helin nidaam caddaaladeed iyo qareeno u dooda inta badan, waxaana xukunkooda mar kasta lagu gooyaa qirasho la sheego inay sameeyaan.

Xigasho: Caasimada