Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Xannuunka Covid-19 Ee Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye ayaa ka warbixiyey xaaladda xannuunka Corona Virus ee guud ahaan dalka.

Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye ayaa sheegay in wasaaraddu ay weli la tacaalayso  xaaladdaha xannuunka Covid-19 oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid ka awood badan  sidii uu ahaa sannadkii hore ee 2020-kii,waxaanu cadeeyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey dadkii xannuunka laga helay, kuwii u dhintay, dadkii cisbitaaladda tegay  iyo kuwii Ogsajiinta u baahdayba in ay ka badan yihiin dadkii uu sannadkii hore uu xannuunkan Covid-19 haleelay.

Agaasime Maxamed Cabdi Xeergeeye waxa uu tilmaamay in sannadkan uu culayska xannuunkani kusoo fakaday wasaaradda horumarinta caafimaadka, halka sannadkii hore ay jireen Guddiyo hawlaha xannuunka ka shaqaynaayey iyo sidoo kalena dadka oo wacyigelin badan haystay,isaga oo cadeeyey in ay ka wasaarad ahaan mawjadaas xannuunka COVID-19-ka ah la tacaaleen, lana dedaaleen intii awoodooda ahayd.

Agaasimaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye waxa uu sheegay in hadda uu xannuunka Covid-19-ka soo khafiifaayo, isaga oo tilmaamay in xannuunkani sannadkan ka khatar badan yahay kii sannadkii hore,isla markaana uu ka dhimasho badan yahay, dadka uu ku dhacayna ay ka badan yihiin kuwii sannadkii hore.

Shacabka ayuu Agaasime Xeergeeye kula dardaarmay in la qaato, lana raaco talooyinka iyo talaabooyinka ay wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland dejisay ee ah in ay dadku kala fogaadaan,in la qaato af-xidhka iyo in faraha la maydho, isla markaana masaafo laysu jirsado.

Agaasime Xeergeeye ayaa sidoo kale cadeeyey  in ay soo iibiyeen ilaa kun haamood oo kuwa Ogsajiinta ah toddobaadkii u dambeeyey,kuwaas oo ay dawladda Somaliland bixisay.

Agaasimaha ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay Ogsajiin ku caawisay dawlad degaanka Somalida ee Ethiopia, kadib markii ay kasoo codsadeen Ogsajiinta oo ku yaraatay.