Liiska cod-bixiyeyaasha doorashada Somaliland oo lagu dhowaaqay

HARGEYSA — (WARSOOR) – Gudigga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee Axsaabta Qaranka.

Tirada guud ee codbixiyeyaasha gudiggu soo saaren ayaa ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof. Doorashada ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 13-ka November 2024.