Shacabka Niger oo dalbaday in ciidamada Mareykanku ka baxaan dalkooda

NIGER – (WARSOOR) – Boqolaal qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay jidadka caasimada dalka Niger, iyagoo dalbnaya inay dalkaasi ka baxaan ciidamada Maraykanku, kadib markii milatariga dalkaasi maamulaa ay ku sii socdeen istaraatijiyadoodii ay kusoo afjarayeen heshiiskii Milatari ee ka dhaxeeyey Maraykanka islamarkaana ay soo dhaweeyeen tobabarayaal Ruush ah.