Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Soo Xidhay Shirka Dhalinyarada Afrika

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Abiy Ahmed Cali Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa caawa caasimadda Dalkaasi ee Addis Ababa ku soo gunaanaday shirka dhalinyarada Afrika oo halkaasi ka socday.

Hadal kooban oo uu Abiy Ahmed Cali Raysal Wasaaraha Ethiopia soo jeediyay waxa uu ku dardaaray dhalinyaradu in ay gunta dhiisha iskaga dhigaan sidii ay qaaradu horumar u gaadhi lahayd.