Golaha Wakiilada JSL oo dib u furmay ka dib muddo kooban oo uu khilaaf u hakaday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha wakiilada JSL ayaa saaka dib u furmay ka dib muddo kooban oo uu khilaaf u hakaday, Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayay gudoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayuu gudoomiyuhu sheegay in khilaafkii yaraa laga wada hadlay lana dhameeyey.

Golaha ayaa saaka loo qaybiyey nuqulka Xeerka Shirkadaha Caymiska oo doodiisu fadhiyada soo socda bilaabmi doonto