Somaliland oo ka qayb galaysa shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo ka socda Magaalada Cape Town, ee South Africa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Dawladda Somaliland ayaa ka qayb galaysa shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo ka socda Magaalada Cape Town, ee South Africa. Wasiirka Tarmarta & Macdanta JSL, Mr. Abdillahi Farah ayaa ka qayb galaya shirka isagoo ka mid ah 32 wasiiradda Macdanta, Tamarta & Shidaalka ee dalalka Afrika iyo sharaaiga Shidaalka ee dunnida.

Toddobaadka Shidaalka Afrika waxa uu isu keenay dawlado, shirkadaha shidaalka ee dalalka Afrika iyo kuwa caalamiga ah, maal-gashadayaal caalami ah iyo adeeg bixiyayaasha shidaal qodista ee dunnida.

Waxa uu Toddobaadka Shidaalka Afrika dabada ka riixaya gaadhitaanka heshiisyo iyo macaamil ganacsi oo ka dhex socda Afrika oo ay ku lamaan yihiin fursado maal galineed iyo gaadhis heshiisyo waxtar weyn u leh Afrika iyo qaabaynteeda mustaqbalka.

Source: Abdirashiid Ibrahim