Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Dalka Saambiya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dhowaan la doortay ee Dalka Saambiya mudane Hichilema oo lagu caleemo saaray Caasimadda dalkaas ee Lusaka.

Hakainde Hichilema ayaa ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas isagoo tartanka Doorashada kaga guulaystay xusbi xaakimkii hore talada u hayey.