Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ka Codsday In La Cafiyo Rag Ku Eedaysnaa Fidinta Diinta Kiristaanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka codsaday, una soo jeediyey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex in la cafiyo oo la sii daayo rag tiradooda lagu sheegay shan nin oo ku eedeysnaa in ay fidinayeen Diinta Kiristaanka.

Warkan oo uu baahiyey Telefishanka Saab Tv, oo xiganayey qoraal uu sheegay inuu helay oo Wasiirka Diinta iyo awqaaftu u diray Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Saddex toddobaad ka hor ayey ahayd, markii Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ay qoraal u dirtay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, taas oo ay kaga codsatay in la cafiyo, xoriyadoodana loo soo celiyo shan nin oo ku eedeysnaa in ay ku biireen Diinta Kiristaanka, isla markaana bulshada ku dhex faafinayey.

Warqadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo nuqul ka mid ah uu helay Telefishanka Saab Tv, ayaa u dhignayd sidan: “Guddoomiye waxa aan halkan ugu soo gudbinayaa warbixinta guddidii aan u magacaabay qancinta iyo kala xaajoodka xubnaha ku eedaysan in ay diinta Kiristaanka galeen amma faafiyeen oo kala ah shan xubnood, guddidaas oo aan shakhsi ahaan goob joog ka ahaa lix kulan oo aanu la yeelanay eedaysanayaasha iyo wada hadallo u badnaa qancin iyo dood, waxa guul noo ahayd in wada hadalladaasi ku dhamaadeen in ay qirteen Tawxiidka, kana toobad keeneen wixii ka dhacay, ee aanay u qastiyin in ay diinta kaga baxaan amma cid kale ka saaraan, sidaas ayeyna kaga toobad keeneen intii lagu tuhunsanaa in ay gaaloobeen amma cid gaalaysiiyeen.

Sidaasi awgeed, waxaan soo jeedinayaa in la cafiyo, intii ay xidhnaayeena looga dhigo edbin, ishana lagu hayo dhaq-dhaqaaqooda.”
Telefishanka Saab, waxa kale oo uu ku xusay warbixintiisan in aan la ogeyn in Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex aqbashay codsiga iyo soo jeedinta Wasiirka Diinta iyo awqaafta.