Ciidamada Soomaaliya oo sheegay in 80 Shabaab ah ku dileen Camaara

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay duqeyn shalay ka dhacday degmada Camaara ee gobolka Mudug.

Degmadaasi waxaa galinkii hore ee shalay dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada Soomaalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, magaalada Gaalkacyo ayaa dadweyne aad u badan waxay maanta dhigeen dibad-baxyo looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.