๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ผ๐—น๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ง๐˜‚๐—ธ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

Muqdisho – (WARSOOR) -Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Raโ€™iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaaโ€™udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Mudane Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhanka kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isagoo ku baaqay in si shuruud laโ€™aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.