​Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Ayaa Maanta Booqasho ku Yimi Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa Maanta Booqasho ku Yimi Taliska  Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Ee Magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Sawaaxili, Ku Xigeenka Taliyaha, Agaasimaha Fulinta iyo Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska.

Ugu horayna waxaa Taliye Nuux Ismaaciil Taani uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dab-demiska gaar ahaan ciidanka Magaalooyinka Burco iyo Wajaale, waxaanu dhamaan soo maray xafiisyada kala duwan ee ay ka koobantahay taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyo qaybihiisa kala duwan. Taliye Sawaaxili ayaa waxaa uu warbixin dheer ka siiyay marxaladihii uu soo maray ciidanku iyadoo ciidanku uu jiray muddo kooban hadana uu ku guuleystay inuu damiyo ama u gurmado dab kastoo oo laga soo sheego caasimada Magaalada Hargeysa, Ciidankuna hadh iyo habeenba heegan u yahay u shaqaynta iyo badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta ku dhaqan Caasimada iyo guud ahaanba Somaliland.

 

Dhankiisa Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta aad ka u heerka saraysa, waxaanuu tilmaamay uu horumar xawliya uu ciidanku ku socodo isagoo jira muddo aad u kooban, waxaanu ka marag kacay taliyuhu in ciidanka dab-demisku haysto dhalinyar u carbisan xirfada ciidanka dab-demiska isla markaana heegan ah affar iyo labaatanka saacadoodba. dhanka kale wuxuu taliyuhu xusay in Ciidamada Qaranka iyo Ciidanka Dab-demisku ay wada shaqayn dhaw yeelan doonaan markastaba ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin ciidanka dabdemiska. Sareeye Gaas Nuux ismaacil Taani ayaa ka mabuusaday Horumarka,Bilicda, Maamul Wanaaga uu ku talaabsaday Ciidanku muddadaa kooban, waxaanuu dardaraan siiyay Maamulka iyo saraakiisha ciidankaba inay halkaa  ka sii wadaan dadaalka una shaqeeyaan qaranka, waayo ciidanka qaranka Somaliland waxay ku jiraan Heegan ay ku ilaaliyaan Muwaadiniintoodu halka ciidanka dab-demiskuna ay heegan ugu jiraan inay dadkooda ka badbaadiyaan aafada dabka iyo waxyeeladiisaba.

Ugu dambayn waxaa kulan gaara wada yeeshay Maamulka sare ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL iyo Sareeye Gaas Nuux ismaaciil Taani, waxaanay ka wada hadleen dardargelinta iyo xoojinta hawlaha qaranka loo hayo iyo in labada ciidan ay markastaba wada shaqayn ka yeeshaaan dhankastaba.

 

Media Section At Somaliland Fire Bridge.

Hargeisafire@gmail.com

Hargeisafire.com

Hargeisa/Somaliland.

Head of Media Section At Somaliland Fire Bridge.

Abdiwahaab Osman Toox.

990 _ Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.