Taliye Kuxigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska JSL oo Shahaadooyin Guddoonsiinayey Dufcadii 𝟲aad oo Dhan 𝟮19 Arday oo Tabobarro iyo Xirfado kala duwan

Hargeysa – (WARSOOR) – Taliye Kuxigeenka labaad ee Ciidanka Booliska JSL iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey dufcadii 𝟲aad oo dhan 𝟮19 arday oo Tabobarro iyo Xirfado kala duwan oo la xidhiidha dhinaca Tiknoolajiyadda casriga ah ka dhamaystay Xarunta Somaliland Innovation Zone.

Tababaraddan ayaa qayb ka ahaa Barnaamij-ka kobcinta adeegsiga Tiknoolojiyadda oo ay iska kaashadaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland & Xafiiska Maalgashiga iyo horumarinta ee TaiwanICDF.

Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka tababarkan ka faa’iidaystay 60-xubnood kuwaasi oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska.