๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ: โ€œ๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—น, ๐˜€๐—ถ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—›๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€ ๐—ฎ๐—ตโ€

Muqdisho – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa caawa ka qayb galay munaasibad afur ah oo Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara, iyadoo la xaqiijinayo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha Somaliland isla markaana tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa Ergayga wadahadalada Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed