​Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Ayaa Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Dabka Iyo Gargaarka Degdega Ah U Soo Xidhay Xubno Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland

Hargeysa – (warsoor) –  Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland oo kaashanaya Haayada EUCAP ayaa Tababar u soo xidhay Xubno ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland kuwaas oo lagu tabababaray sida looga hortago aafada Dabka [ Basic Fire Fighting ] iyo Gargaar ka deg dega ah [ First Aid ] waxaana Tababarkaasi socday muddo affar cisho ah. tababarkan oo ka socday Jaamacada Culuumta Badda Berbera ayaa waxaa munaasibada xidhitaanka lagu qabtay hoolka jaamacada Culuumta Badda Magaalada Berbera.

Tababarkan oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Dabdemiska ayaa waxaa xubnahaa tababarka qaadanayay ay ka faaideysteen sida looga hortago dabka, ka Taxadarka dabka, iyo sida loo xakameeyo dabka. sidoo kale waxaa ay barteen cilmiga gurmadka degdega ah iyo sida loo badbaadiyo qofku marka uu dabka wax ku noqdo, dhaawacyada fudud iyo kuwa culus iyo mid walba sida ugu haboon ee loogula tacaali karo looguna badbaadin karo qofka.

Ugu Horayn waxaa Halkaa ka hadlay Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska ee Tababarkaas bixinayay waxaanay sheegay tababarkay bixinayeen waxa uu ku saabsanaa isagoo mid kastaaba sharaxay tababarkaas uu bixinayay. waxaa iyaguna ka mahadnaqay xubnihii ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Xeebaha ee tababarkaas qaatay, waxaanay sheegeen inay ka faaideysteen muddadii tababarkaasi uu socday Ciidamada kalena uga faaideyn doonaan, iyadoo ay u muhiim u tahay xirfadooda lagana yaabo hadii doon ama markab gubto sidii ay u damin lahaayeen iyadoo markii hore aanay aqoon u lahayn cilmiga dabka iyo ka hortagiisa.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed iyo Maayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa u mahadnaqay Ciidanka Dab-demiska iyo Haayada Eucap ee tababarkan bixinayay waxaanay sheegen inaanay noqon tababarkii u dambeeyay balse la sii libin laabo xirfada iyo aqoonta dabka ee la siiyay ciidanka ilaalada xeebaha oo aad ugu baahnaa tababarkan, waxaanay sidoo kale tilmaaameen in ciidanka dabdemisku markastaba heegan u yahay badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta somaliland markastaba jecel inay goob kastaba ka hawlgalaan.

Sarkaalka u sareeya haayada EUCAP iyo Madaxweynaha Jaamacada Badda [ Berbera Maritime Fishers Academy ] ayaa iyaguna u mahadnaqay ciidanka dab-demiska oo markii ay arrintan u soo bandhigeen soo dhaweeyay tababarkaas na u qabtay si hagar la’aana waxaanay sheegen in la sii wadi doono tababaradan loogana faaideyn doono ciidanka si xirfadoodu u sii sarayso.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Cabi Xirsi ayaa halkaa isna ka hadlay waxaanu tilmaamay in ciidankiisu aad ugu baahnaa inay wax ka bartaan xirfada dabka maadaama oo ay muhiim u tahay ciidanka inay damiyaan marka ay gubtaan doomuhu ama wixii kalee u baahan samatabixin iyo gurmadbba. waxana taliyuhu u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo haayada EUCAP oo badanka taageerta ciidanka ilaalada xeebaha waxaanu uga mahadnaqay kaalinta ay ka geysteen tababarkan.

Gabagabadii waxaa Munaasibadaas soo xidhay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland Sareeye Guuto  Axmed Maxame Xasan [Sawaaxili] waxaanu dardaraan siiyay ka faaideystayaasha tababarka ee tababarkan ka faaideystay inay ka faaideeyaan aqoontaa dabka ee la siiyay isla markaana ay ku dabaqaan aqoontooda iyo shaqadooda. dhanka kale waxaa uu taliyuhu xukuumada somaliland uga mahadnaqay yagleelka ay yagleeshay ciidanka dab-demiska somaliland iyadoo ay tahay  markii ugu horaysay ee la sameeyo dab-demis u gaara somaliland. ugu dambayna waxaa Taliye Sawaaxili soo xidhay tababarkaas oo socday muddo affar cisho ah.

Dhanka kale waxaa haayada EUCAP ay qalab ku wareejisay ciidanka ilaalada xeebaha qalabkaas oo ahaa qalabka lagaga hortago dabka, waxaana sidoo kale taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu qalbakaas ku wareejiyay Ciidanka dab-demiska maadaamo qalabkaasi ahaa qalab anfacaya ciidanka dab-demiska.

Sidoo kale Hogaanka sare ee ciidanka dab-demiska ayaa kulan gaara la qaatay Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, waxaana laga wada hadlay sidii loo yagleeli lahaa dab-demiska magaalada berbera maadaama oo Magaalada Berbera ay tahay halbawle ah kuna taalo dekeda u weyn somaliland, Haamaha shidaalka iyo ganacsiyo kaloo badan, waxaana kulankaas ka soo baxay is afgarad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.