Yugaandha iyo DRC-Kongo oo bilaabay weeraro ka dhan ah mucaaradka ADF

Yugaandha – (WARSOOR) – Ciidamada Milateriga Dalalka Yuganda iyo Coongo ayaa qaaday weerarro dhinaca cirka ah iyo madaafiic  ay u adeegsadeen kooxda hubeysan ee Allied Democratic Forces (ADF).

Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Dalka Yuganda ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada manta oo Talaado ah ayaa yiri “Saaka, waxaan qaadnay weerarro cirka ah oo wadajir ah oo ka dhan ah xeryaha ay ka howlgalaan mucaaradka ADF”

Madaxda Yuganda ayaa ku eedeeyay kooxda ADF inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay caasimadda Kampala.

Kooxda hubaysan ee ADF ayaa lagu eedeeyay in ay tobanaan weerar ka fuliyeen bariga Dalka DRC Koongo ,halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weeraro gaadmo ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii manta,kaas oo ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bariga DRC.