Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay Inay Dalka Ka Saari Doonto Dhakhaatiirta Ajaanibka

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Haashi ayaa sheegay inay dalka joogaan dhakhaatiir badan oo jaanib ah kuwaasi oo ay cabasho badani ka timid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhakhaatiirta ka hawl-gala dalka ee jaanib ahi ay sameeyaan qaliino aan loo baahnayn, qaliimadaasi oo ay komishan ka qaataan dhakhaatiirtaas.

Guddoomiyaha komishanka Dr. Axmed Haashi ayaa sheegay inay dalka ka mastaafurin doono 113, dhakhtar oo ajaanib ah oo dalka aan ka diwaan-gashanayn komishanka mihnadlayaasha caafimaadka dalka laga saari doono, go’aankaasina uu yahay mid madaxweynaha Somaliland gaadhay.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.