Xukuumadda Somaliland oo Bilaabaysa Dhismaha Waddada u Dhaxaysa Burco Iyo Oodweyne

Burco – (warsoor) – Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo maareeyaah Hayโ€™adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Maxamed ayaa gaadheyย  xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne.

Socdaalka waftigan ayaa ujeedkiisu daaranaa indho indhaynta wadada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Oodweyne oo la filaayo in uu dhismaheedu bilaabmo bilawga sannadka cusub ee fooda inagu soo haya,waxaana waftigan soo dhoweeyey Duqa degmada Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse , waxaanu tilmaamay in ay ka maamul degmo ahaan diyaar ula yihiin wax kasta oo looga baahdo, isaga oo baaq u diray dadka degaanadda ay waddadu mari doonto oo uu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen shaqaalaha ka hawlgeli doona dhismaha wadadan.

Geesta kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca wadada Ceerigaabo iyo Burco Eng Maxamed Cabdi Qorshe iyo Maareeyaha guud ee Hayโ€™adda Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Yuusuf Maxamed, waxaanay tilmaameen in ay dhowaanahan wadeen daraasad ku saabsan dhismaha wadadan, isla markaana loo qaybin doono wejiga kowaad iyo wejiga labaad , waxaanay ugu baaqeen shacabka degaanka Oodweyne iyo degaanadda kale ee hoos yimaada in ay soo dhoweeyaan shaqaalaha ka shaqayn doona dhismaha wadadaasi.

Wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Hargeysa ayay masuuliyiintani sheegeen in ay dhowaan bilaabmi doonto dhismaheedu, iyaga oo tilmaamay in socdaalkoodani salka ku hayey in ay ogaadaan goobtii ay shaqaaluhu degi lahaayeen iyo goobtii qalabka la dhigi lahaa iyo in ay la socodsiiyaan dadka reer Oodweyne in la bilaabi doono dhowaan wadadii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi hore u dhagax dhigay.