Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo afjartay howl-galkii ka socday degmada Guri-ceel

Guri-ceel – (WARSOOR) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen Kooxda Ahlu-sunna ee degmada Guri-ceel, kadib dagaal xooggan oo xalay halkaasi ka dhacay.

Malleeshiyaadka Ahlu-sunna oo ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa la sheegayaa inay u firxadeen degaanka God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guri-ceel, iyagoo halkaasna kaga cararay laba Gaari oo nooca dagaalka ah.

Ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug ayaa gaafmeeraya goobihii ay ka carareen kooxda Ahlu-sunna, waxanay saraakiisha halkaasi ku sugan sheegeen inay dhowaan la hadli doonaan saxaafadda.