Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Bilwoday Qorshe Lagula Wareegayo Amniga Dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ku saabsaan howl-gelinta guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Qaranka, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caaalamiga ah.

Furitaanka shirkan oo socon doona laba maalmood oo sidoo kale lagu dhisayo Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga ee STP SSC waxaan ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka oo ay wehliyeen taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliiska.

“Labada maalmood ee uu socota waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), laguna dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali oo ka hadlay furitaankii shirkan ayaa yiri “Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Bayaankan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ‘Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka dowladda’ Federaalka Soomaaliya.