Xukuumada Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Imaatinka Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) ayaa maanta shir jaraayid oo uu ku qabtay xafiiskiisa faahfaahin kaga bixiyey imaatinka xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo maalintii shalay dalka soo gaadhay kaasi oo la kulmay wasiirka gaashaandhiga, madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale oo ka mid ah Xukuumada.

Wasiirka ayaa ka warbixiyey imaatinka Xoghayaha kaasi oo ku sheegay in ay tahay guul Somaliland u soo hoyatay oo ay tahay in aad loo soo dhaweeyo in markii ugu horaysay uu dalka imaado masuul meeqaam kaas leh oo ka socda dawlada Ingriiska waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka shaqaynaysa horumarka Somaliland.


Waxaana Hadaladisii ka mid ah(‘’Waxaynu u balan sanayn in aan ka war bixiyo booqashadii shalay ee xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska,waxa uu nagu soo booqday Somaliland waxay ahayd booqasho kaas u ah Somaliland oo taariikh ah, booqashadaa Xoghayuhu waxay muujinaysaa muhiimada iyo danaynta ay dawlada Ingriisku Somaliland u hayaan,’’)Ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).


Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay wax yaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen kaasi oo ku sheegay in la xoojiyo wada shaqaynta labada dawladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha amaanka ee mandaqada ee uu taageerada weyn ka gaysto dawlada Ingriisku waxaana mar labaad hadaladisii ka mid ahaa(‘’Imaatinka Xoghayuhu waxay ka turjumaysaa kow (1) sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska, arimaha amniga ee gobolka oo baryihii u danbeeyey  isbadalada aad la socotaan ka dhacayeen iyo joogtaynta cilaaqaadka labada dal, khaasatan ka wasaarad ahaan wakhti badan ayaanu wada qaadanay wax yaabo badan oo muhiim ah ayaanu ka wada hadalnay’’) Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).


Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo dalka shalay imid ayaa ah masuulkii ugu ugu cuslaa ee abid soo gaadha dawlada Somaliland kaasi oo ka tur jumaya xaalka iyo horumarka Somaliland ay mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsanaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.