Xukumadda Somaliland Oo U Digtay Urur Ku Hawlan Qiimaynta Wasiiradda

Hargeysa – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, ayaa  loogu baaqay  inuu faraha kala baxaan shaqada dawladdda, dad  sheegtay inay qiimayn ku samaynayaan xubnaha golaha wasiirrada, maadaama oo aan loo aqoonsanayn Akaadamiyad cilmi, siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.       .

Waxa  kaloo xukuumaddu ay qiimaynta shakhsiyaadku  wadaan  ku sifeysay mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Toddobaadyadii  la soo dhaafay waxa warbaahinta ay  ku faafiyeen dad isku sheegay inay yihiin  urur qiimayn ku samaynaya  xubnaha Golaha Wasiirrada, waxayna  taasi  fajac iyo amakaag ku ridday dadweynaha iyo xukuumaddaba, maadaama ururkani aanu ahayn mid  sharciyan loo aqoonsan yahay  inuu  fuliyo hawsha miisaankaas leh, isla markaana  aanay dawladdu waxba kala socodsiin.

Qiimaynta  noocan oo kale ah waxa   dunida  ka fuliya Akaadamiyad aqooneed oo leh khibrad cilmi baadhiseed oo xambaarsan  takhasusaad, khibrad iyo aqoon, waxaana  mar kasta oo ay baadhitaano la xidhiidha qiimayn abaalmarineed samaynayaan waajib iyo lagama maarmaan u ah inay xidhiidh toos ah la sameeyaan hay’adda ama cidda kale ee  la  qiimaynayo, iyadoo ra’yi ururintana  loo fuliyo habab u gaar ah oo kala duwan.

Sidaas darteed, ururkaas sheegtay inuu wado qiimayn uu ku sameynayo  xubnaha Golaha Wasiirrada,  ma jiro wax  xidhiidh ah ama  xog-ururin ah oo uu la sameeyey wasaaradaha, sidaas awgeed, waxaa muuqata in la doonayo in la soo saaro qiimayn aan cilmi ku fadhiyin, iyadoo la tuhunsan yahay inay arrintan lacag ku bixiyeen isla markana dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo  dano  gaar ah ka leh, si  sumcada iyo karaamada looga dilo  xukuumadda Somaliland, isla markaana la doonayo in la soo saaro qiimayn kala qoqobaysa bulshada dhexdeeda, laguna  xajiimaynayo geeddi-socodka toosan ee nidaamka maamul ee dawladda.

Xukuumadda JSL waxay uga digaysaa ururkan   gacanta kula jira  arrintan, inay si degdeg ah faraha ugala baxaan maamulka xukuumadda, maadaama  aanay qiimayntu ahayn mid ka soo baxaysa Akaadamiyad sharci oo loo aqoonsan yahay hirgelinta  qiimaynta abaalmarinada heer qaran, annagoo farayna inay  faragelinta ka daayaan shaqooyinka maamulka xukuumadda, xogo shakhsiyaad tilmaaman laga soo ururiyeyna  bulshada looguma sawiro karo inay tahay  xaqiiqo dhab ah oo cilmiyeysan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.