Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo Dawladaha Shuuciga Xaggee Ayay Ka Shaabahda? Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Dawladaha shuucigu ma ogolaadan jiritaanka ururada rayidka ah, kuwa shaqaalaha, ururada mihnadlayaasha, kuwa siyaasadda iyaga soo hadal qaadkoodaba dambi ah. sidaas oo kale waxa mamnuuc ah in la fasaxo noocyada warbaahinta madaxa bannaan. Dalalkaa waxa ka jiri kara warbaahinta dawladda oo qudha, dhegayso ama ha dhegaysan, daawo ama ha daawan, akhriso ama ha akhrisan.

Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo maanta si badheedh ah uma burin karto qodobka 23 ee dastoorka farqaddiisa 3-aad oo muwaadiniinta xaq u siinaya in ay isku abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsheed, xirfadeed IWM laakiin, waxay la timid xeelado iyo tabo kala duwan oo lagu curyaaminayo ama lagu aamusiinayo urur kasta oo laga uriyo inuu mucaarad ku yahay xukumadda ama ku noqon karo.

Waxay si gaar ah isha ugu hayaan saxaafadda iyo ururada warbaahinta metela. Haddaba tabaha xukumaddu u adeegsato dagaalka ka dhanka ah ururada waxa ka mid ah in ruqsadaha loo diido, kuwii hore loo siiyayna lagala noqdo ama xarumahooda la xidho, kuwo kalena waxay la kulmaan hanjabaado iyo tacadiyo kale.Qaarkood waxa laga mara xagga dhaqaalaha, waxa lagu aamusiiyaa lacago laaluush ah iyo ballanqaadyo kale.

Ururada rayidka ah kuwa ugu waaweyn sida SONYO, SONSAF, SOLJA, NAGAAD IWM iyaga laaluushkooda waxa la gaadhsiiyay in kharashaad badan looga qoondeeyo miisaaniyadda Qaranka sida wasaaraddaha oo kale; islamarkaa xukumaddu waxay u ololaysa ama sii ansixisa xubnaha ururku dooran doono sidaas daraadeed uma shaqayn karaan si madax bannaan, balse waxa la odhan karaa waa hay’addo yaryar oo ku soo biiray hay’addihii kale ee dawladda. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii iyo dulmigii ugu xumaa waxa la kulmay labada urur ee shaqaalaha iyo macalimiinta.

Ururka Shaqaalaha: Ururka shaqaalaha waxa la aasaasay wakhtigii madaxweynihii hore ee Md. Daahir Riyaale Kaahin, hasse ahaatee xukumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ku qaaday dagaal dhinacyo badan si aanu ururku u hana qaadin, tusaale ahaan waxa la cabsi geliyay xubnihii shaqaalaha dawladda si aanay u bixin qaadhaankii (Subscriptions) ururku ku hawl gali lahaa. Xafiiska ILO iyo hay’addo kale oo u igman dhiiri gelinta iyo xoojinta shaqaalaha ee dhinacyada dhaqaalaha iyo tababarradu waxay ka gaabsadeen taageerada ururka shaqaalaha Somaliland iyaga oo ka baqaya in dhibaato uga timaaddo xukumadda.Ururku wali wuu jira waxase saaran cuno qabatayn aanu ka hawl gali karayn.

Ururka Macallimiinta: Dhawr jeer oo la isku dayay in la sameeyo ama la soo nooleeyo ururkii macallimiinta waxa is hor taagay xukumadda xataa waxa ku adkaatay in ay shir iskugu yimaaddaan, xubnihii soo jeediyay ama qabanqaabinayay waxa lagu wargeliyay in aanay xukumaddani maqli karin urur macallimiintu yeelato.

Xukumadda madaxweyne Siilaanyo lama wadaagto oo kaliya saska ay ka qabto ururada iyo xorriyatul qawlka balse waxay ka shaabahda nacaybka iyo u dulqaad yarida in dhalliilaheeda la sheego; waxa kale oo ay uga eeg tahay faanka, guul-wadaynta, amaanta madaxweynaha iyo dacaayado qaawan oo been abuur ah(Black Propaganda).

Dawladdeenu sidii dawladihii shuuciga wax kasta oo ay ku fashilanto waxay iskaga leexisa cid kale iyo cadaw aan muuqan, marnaba ma qaadato masuuliyadda wixii ka xumaaday. Madaxdeenu madaxda dalalka shuuciga ah waxay uga eeg yihiin shicibka oo bakhtiyaya inay ku nool yihiin nolol qaali ah oo raaxo badan.

Gabogabo: Saxaafadda Madaxa bannaan, ururada rayidka ah oo xooggani waxay astaan u yihiin dhamaystirka dimuqraadiyadda, waxa lagu tilmaama in ay yihiin tiir ka mid ah tiirarka iyo halbeegga dimuqraadiyadda wanaagsan.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap