Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda Oo Gaadhay Deegaanka Ceelal Ee Gobolka Saraar

Caynaba – (WARSOOR) – Xubno ka tirsan golaha wasiiradda ee Somaliland xildhibaano iyo masuuliyiinta ka socday goboladda Togdheer iyo Saraar ayaa gaadhay deegaanka Ceelal oo ka tirsan gobolka Saraar, halkaasi oo ay beryihii u danbeeyay ka jireen kooxo ku hawlan xaalufinta deegaanka iyo ugaadhsiga Duur-joogta.

Weftigan oo ka kooban Wasiiradda wasaaradaha Deegaanka, Cadaaladda iyo Xidhiidhka golayaasha, xildhibaanko ka tirsan golaha wakiilada, masuuliyiinta iyo Taliyeyaasha Booliska goboladda Togdheer iyo Saraar, ayaa halkaasi ka bilaabay Barnaamij lagu la dagaalamaayo xaalufinta deegaanka iyo ugaadsiga Duurjoogta oo beryahan ku soo badanaayay degaankaasi.

Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo Booliska goboladda Saraar iyo Togdheer oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in degaanka Ceelal ay ka jirto dhibaato dhanka xaalufinta degaanka ah taas oo ay meel uga soo wadajeesteen sidii meesha looga saari lahaa Dhuxulaysiga.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Cadaaladda Saleebaan Warsame guuled, Xidhiidhka Golayaash iyo Dastuurka Maxamed xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay degaankaaasi dawladdu ka bilawday hawlagal balaadhan oo Ciidamadda Boolisku ku beegsanayaan dadka deegaanka xaalufiya ee degaanka Ceelal.