Xubnaha Aqalka sare oo ka hadlay Qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed uga baxa Xajka iyo Cumrada

Muqdisho – (warsoor)- Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si weyn kaga doodeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada, iyagoona kullankooda ku ansixiyay in qaraar laga soo saaro Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay garab fadhiyeen Labadiisa ku-xigeen,waxaana warbixin looga dhageystay Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada.

Xoghayaha Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xuquuqul insaanka,Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka sare Senator Axmed Cusmaan Macow oo Xildhibaanada Aqalka sare hortooda warbixin ka jeediyay ayaa sheegay in Golaha uu horyimid Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dr. Imaan C/llaahi Cali,isagoona Golaha Su’aalo ay ka weydiiyeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada gaar ahaan qiimaha sareeyo ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed iyo adeegyada ay helaan.

Wuxuuna Wasiirka markaasi uu sheegay Golaha Aqalka sare in Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ay u xilsaaran tahay dhammaan wixii quseeya Arrimaha Diinta iyo Awqaafta tilmaamayna in Wasaaradda leedahay sharuuc ama Xeer.

Markaasi ka dib ayaa Xildhibaanada Golaha Aqalka sare waxay cod u qaadeen sidii loo ansixin lahaa Agendaha kullanka oo ahaa Arrimaha Xajka iyo Cumrada,waxayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in si deg deg ah qaraar looga soo saaro Arrimaha Xajka iyo Cumrada si ay Xujeyda Soomaaliyeed u helaan adeeg hufan iyo in laga yareeyo qiimaha sareeyo ee laga qaado Xujeyda.

Senator Mustaf Maxamed Rooble oo ka hadlay madasha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Aqalka sare ay ka soo saarayaan yareynta lacagaha laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed oo ah mid qiimaheeda aad u sareeyo iyo sidii xujeyda Soomaaliyeed si fudud ugu heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin.

Wuxuuna shirkadaha duulimaadyada ugu baaqay iney u turaan Shacabka uguna naxariistaan in si fudud ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Senator Zamzam Daahir Maxamuud ayaa Tiri” Waa muhiim ah in Golaha Aqalka sare uu ka soo baxo qaraar waliba si deg deg ah oo ku saabsan Arrimaha Xajka iyo Cumrada loona turo Shacabka Soomaaiyeed,waxaana loo baahan yahay in labo qodob diirada la saaro in “ Xujeyda ay helaan Adeeg Wanaagsan marka ay tagaan Xajka iyo in laga yareeyo qiimaha Xajka iyo Cumrada.”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku bogaadiyay Golaha Aqalka sare iyo Guddiga Garsoorka,Diinta iyo Awqaafta sida hagar la’aanta ah ay uga soo shaqeeyeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada oo dhibaato badan ka jirtay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in si deg deg ah loogu baahan yahay in Aqalka sare uu Arrintaan qaraar kaga soo saaro.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kullanka ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Aqalka sare sida hufnaanta leh ay u ansixiyeen Agedaha kullanka,wuxuuna balan qaaday in si deg deg ah qaraar loo soo saari doono.

Golaha Aqalka sare ayaa dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa qaabka ugu haboon ee loo maareyn karo Xajka iyo Cumrada,xujeyda Soomaaliyeedna u heli lahaayeen adeegyo wanaagsan loogana yareyn lahaa qiimaha sareeya ee uga baxa Xajka iyo Cumrada.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.