Xoghayaha Xisbiga WADANI oo Ka hadlay Xeerka Ururada/Xisbiga

“Bal ka warran, hadii qof aan xilba haynin uu iska yidhaahdo, ‘Xeerka doorashoyinka ee xeer Lr. 91|20 waxa uu dhigaayaa, marka la gaadho xiliga diiwaangelinta ururrada ee ku beegan June 2022, madaxwaynuhu wuxuu waayayaa madaxweynenimadiisa ay weli shanta bilood iyo ka badan ka hadhsan yihiin, si la mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee ururrada ayaanu ururkiisa / xisbigiisa soo bixistiisa uga hawlgalayaa.
Waxaan filayaa waa la xidhi lahaa muwaadinka sidaas yidhi, iyada oo lagu eedaynayo in uu ka been sheegay xeer dhan oo uu qaranku leeyahay, isla markaana uu si aan sharci ahayn u deedifeeyay madaxwaynanimada iyo xurmada madaxwaynaha xilka haya.

Hadaba sidaas si la mida ayaa laba cisho oo isku xiga, Madaxweynihii qaranka ee masuuliyadiisa koowaad ahayd ilaalinta shuruucda dalka iyo wasiirkiisii ugu da’da waynaa uguna xilka cuslaa waxay sheegeen in xeer lr. 14/2011 u dhigayo, marka la gaadho diiwaangelinta ururrada in xisbiyada qaranku ay noqonayaan ururro.
Qof kasta oo akhriya xeerkaas oo meel kasta laga heli karaa, waxa uu arki karayaa in aanu dhigayn qodobkaas ay odayaashu daliishadeen. Dhammaan shuruucda kale ee dalkuna aanay sheegayn, sidaas awgeed aanay jirin meel ay ka keeneen. Waa haddii aanay jirin maahmaah Ruush ah oo tidhaahda, ‘Madaxda riyooyinkoodu waa sharci ka mid ah xeerarka dalka .

Dunida kale, qofka madaxda ahi marka uu wax aan jirin sheego, iyada oo loo caddeeyey in aanu waxaas jirinna uu ku celceliyo, waxaa ka dhasha doodo iyo su’aalo kale oo muhiim ah.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi