Xoghayaha Wakiillada oo Beeniyay Warar Laga Qoray Shir-guddoonka Golahaas

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xoghayaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa  beeniyay warar lagu sheegayay  in khilaaf u dhaxeeyo Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararkaas oo  lagu qoray Shabakaddaha iyo Social  Media.

“War been ah oo ay qortay Hadhwanaag news iyo qaar kaleba waxba kama jiraan waa dhaqanka Saxaafadeena oo had iyo jeer caadeysata in ay bulshada u soo bandhigaan warar aan jirin, warkaasi ma, aha war jira khilaaf u dhaxeeyaa shir-guddoonka hab yaraatee ma, waa been xaqiiqada ka fog.qolyaha facebook wax ku qoraya fadlan warkaasi waa been ee iska hubiya “