Xoghayaasha Xisbiga Waddani Oo Shir Yeeshay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirka Xoghayeyaasha ee Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Fadhigan uu guddoominayay Xoghayaha Guud Mudane Khadar Xuseen Cabdi waxa la iskaga xog waraystay hawlaha Xisbiga iyo dardar gelinta qorshaha Xisbiga,

Sida oo kale kulankan ayaa lagu lafo guray xaaladaha siyaasadda ee dalka, guud ahaan waxyaabaha ka cusub gobolka iyo Sidii Xisbi ahaan loola jaanqaadi lahaa isbedellada siyaasadda ee dalka loogana yeelan lahaa mawqif midaysan.