Xisbiyada Qaranka oo ku Heshiiyay in Doorashada Sidii Hore lagu Galo

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa madaxweyne ku xigeenka madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Axmed Muuse Abyen ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan aqalka madaxtooyada ku dhexmaray saddexda xisbi Qaran, madaxweynaha iyo safiirka midowga Yurub.

Waxaanu uu  sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee wakiiladda iyo deegaanka, waxaanu caddeeyay in isfahanka ugu weyn ee la gaadhay ay tahay si doorashadu u qabsoonto in doorkan lagu galo qaabkii 2005-tii, islamarkaana deegaankasta uu ogolaado in doorashadu qabsoonto sanadkan aynu ku guda jirno ee 2020-ka.

“Safiirka Midowga Yurub waxaan u malaynayaa in uu yahay safiirkii u horeeyay ee yimid intii xannuunka safmarka ah ee Covid-19 uu jiray, arrinta ugu mihiimsan oo ah doorashada ayaanu ka wada hadlaynay waliba doorka ay iyagu ku leeyihiin oo ah balanqaadkii ay sameeyeen ee bixinta kharashaadka doorashada tii in aanu ku adkeyno waanu balanqaaday, sidii horeba ay u balanqaadeen.

Waxaa kale oo aanu ka wada hadalay haweenku sidii ay doorashada baarlamaanka uga qayb qaadilahaayeen, iyo arrinta saami qaybsiga oo aynu og nahay in ay arrimo ka jiraan bariga iyo galbeedkaba, arrimahaasi sidaanu hada heshiiska ku gaadhnay oo ah in doorashada lagu gallo sidii hore oo ah in baarlamaankeenu 82-ahaado, oo qaadidii hore ee lixdankii wixii la kala lahaa deegaan walba lagu dhufto laba iyo badh, qolo walibana wixii uga soo baxa ay iimaansato is afgaradka guud iyo heshiiska guudna sidaasi ayuu ahaa, balse arrimahan cabashooyinka waala galayaa.

Waxaan ogahay in ay jiraan kulamo uu madaxweynuhu uu la balansan yahay deegaanada qaar maalmaha soo socda”

Dhanka kale Pro. Ebyan waxaa uu ka hadlay dib u dhaca ku yimida wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee waddanka Jabuuti, islamarkaana ay safiirka Midowga Yurub ku wargeliyeen dib u dhacaasi dhanka Soomaaliya balse ay Somaliland diyaar u yihiin “Waxaa aanu ka wada hadalay shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya, ee guddiyadii saddexda ahaa oo hada laba jeer aad moodo in uu dib u dhacay arrintaasina waxaa aanu u sheegnay in ay xagga Soomaaliya ka socoto, balse ay guddiyadii diyaar yihiin oo diyaar aanu u nahay in aanu tagno Jabuuti,

Arrinta wada hadalada cagajiid kama jiro, madaxweynuhu maanta waa uu caddeeyay horena waa uu u caddeeyay, maantayna safiirka waa uu u caddeeyay in aan xagga Somaliland wax walba ay diyaar ka yihiin,  anaguna maanaan odhan Soomaaliya ayuu k baaqday balse waa xaqiiqada jirta weeyaan in ay laba jeer iyagu cudur daarteen, oo qiimeyntii lagu qabanayay shirka iyo in ay beesha caalamka u soo sheegeen in aanay diyaar aheyn, marka iyaga ayaa loo xanibnaa inagu maynaan odhan xaggeenana cagajiid kama jiro taasi waan ku caddaynayaa”