Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweyn Taageerayaal Kaga Soo Biiray Gobolka Hawd

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa  munaasibad balaadhan oo lagu qabtay hotelka Ambasadoor ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Siyaasiyiin miisaan culus ku leh  gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa. Boqolaal taageerayaashooda ah ayaa sidoo kale soo cammiray munaasibadda. Xafladda soo dhawaynta ah waxa ka qayb galay musharraxa xisbiga Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo masuuliyiin tiro badan oo ka mid ah hoggaanka iyo haldoorka xisbiga.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah kaadirkii Kulmiye, Komishanneer Cabdillaahi Xaaji Cumar Jawaan la taliyihii Arrimaha doorashooyinka Madaxweyne Siilaanyo, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi guddoomiye xigeenkii Hay’adda shaqaalaha, Xamse Ciise Cabdi xoghayihii gobolka Maroodijeex, ururo dhalinyaro iyo siyaasiyiin kale oo ay taageerayaashoodu weheliyaan ayaa lagu soo dhaweeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa sheegay in uu Kulmiye ka soo cararay markii uu arkay sansaankiisa oo u muuqda mid dumaya “Soomaalidu waxay dhisan jirtay aqal laba daryaale ah, aqalka Udub ayaa dhexda kaga taagnaan jiray. Udubka haddii xar galo wuu soo duma, marka inta aanu igu soo dumin ee uu soo socday ayaan ka soo cararay(Kulmiye) ee ogaada,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac oo sheegay in ay saaxiibkii Madaxweyne Siilaanyo soo kala ducaysteen.

Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, Xamse Ciise Cabdi iyo xubno kale oo dhammaantood xilal ka soo qabtay xukumadda Siilaanyo ayaa madasha ka sheegay in sababta ay uga tageen xisbiga Kulmiye oo ay muddo dheer ka tirsanaan jireen tahay arrimo la xidhiidha maamul xumo iyo qabyaalad raggaadisay xisbigaasi.

Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo munaasibada hadal ka jeediyay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay haldoorka xisbiga la bahooobay“Waxa runtii maamuus, milgo iyo farxad ii ah munaasibaddan 20 xubnood oo Somaliland ah, oo siyaasiyiintii ugu caansana ah, oo xildhibaannadii ugu caansana ah, oo hablihii ugu caansana ah oo maanta halkan caqligooda, xooggooda, xoolahhooda iyo tamartooda ku soo biiriyay waxa umaddu doonayso oo ah isbedel, aad iyo aad baan ugu mahadnaqaya,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo mahadnaq iyo ammaan huwiyay guddida qaban qaabada xafladda oo uu sheegay in ay si weyn u bileen una qurxiyeen munaasibadda.

Waxa uu sheegay in miisaanka munaasibaddu muujinayo culayska ragga xisbiga ku soo biiray “Xildhibaan Dheeg baa sheegay oo yidhi ‘waa munaasibaddii ugu miisaanka badnayd ee aan arko’ runtii waa sidaas uu sheegay oo ragga ka soo qayb galay waa raggii Somaliland ugu mudna iyo hablihii ugu mudna. Taasi waxay muujinaysa miisaanka ragga halkan maraya oo Komishanneer Cabdillaahi Jawaan ka mid yahay, oo xildhibaan Nacnac ka mid yahay, oo Xarbi ka mid yahay oo Xamse ka mid yahay, oo Ina Dubbe Cali Yare oo ah siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland ka mid yahay. Waa raggii bilaabay dimuqraadiyadda ee axsaabtii ugu horeeyay sameeyay. Taasi waxay muujinaysa in iyada oo doorashadii ay ka hadhsan tahay 3 wiig uu shacbigu qaatay in uu isbedelka taageero, in uu ka soo guurayo xisbiga la bedelayo una soo guurayo xisbiga bedelaya oo Waddani ah. waxaanu leenahay soo dhawaada, gacmo furan ku soo dhawaada qalbi furan ku soo dhaweeya,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha iyo musharraxa Waddani waxa uu sheegay in ujeedada xisbiga Waddani tahay midaynta shacbiga Somaliland iyo in kala qoqobka laga saaro, islamarkaana bari iyo galbeed ama daan-daan laga saaro “Xisbiga Kulmiye taas way ka duwan tahay siyaasaddiisu, waa in uu umadda qaybiyo oo qoqobo oo kala saaro, malaha taas wuxuu is leeyahay waxbaad ku helaysa laakiin, waxaan leenahay waxba ku heli maysid. Hadafyada xisbiga iyo barmaamijka xisbiga ayaanu rabna in aad nagu doorataan oo wax badan ka qabanaya citiraafka inagu raagay ee aynu waynay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in Maxamed Biixi Yoonis oo ah diblamaasi caalami ahi wax weyn ka qabanayo siyaasadda arrimaha dibada, islamarkaana muddadii uu xukumadda Siilaanyo la shaqeeyay arrimo door ah qabtay.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani waxa uu sheegay in barmaamijka Waddani si cad u qeexayo siyaabaha uu wax uga qabanayo adeegyada bulshada ee ay Biyaha, caafimaadka iyo Waddooyinka ka mid yihiin. Waxa uu tilmaamay in uu door muhiim ah siinayo dhalinyarada iyo Haweenka “Waxaad had iyo jeer maqashaan xisbi ayaa shir weyne qabsaday laakiin, xisbiga Waddani waa xisbigii ugu horeeyay ee shirweyne dhalinyaro u sameeya Somaliland, Kulmiye ku dayda ayay si yidhaahdeen oo wareegto ayay ku soo saareen xubnihii hoggaanka,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu taageerayaashiisa ku boorriyay in ay xammilaan xagxagashada xukumadda Kulmiye iyo xadhiga ay kula kacayso “Waxaynu Illaahay ka baryayna in uu doorashada nabad inagu gaadhsiiyo, dawladda dhacaysana way xagxagasho badan tahay, way rafad badan tahay, taageerayaasha xisbiga iyo masuuliyiintaba waa la xidhixdhaya. Kuwii ugu dambeeyay ee la xidhay waxa ka mid ah xoghaye kuxigeenka warfaafinta xisbiga oo Burco lagu xidhay, maalin walba waxa la soo sheega taageerayaal iyo saraakiil xisbiga ah oo la xidhay, rag baa 3 bilood xidhan, culimo ayaa ku jiray dadka la xidhay. Xafladdii u dambeysay ee aynu Hotel Guuleed ku qabanay basaskii dadka qaadayay waxa lagu duway xeryahaba booliska oo waa la xidhxidhay. Iyada oo intaas oo dhan jirto waxaanu ugu baaqayna taageerayaasha in ay dulqaatan, in aynu nabadda ku dadaalno,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cirro.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in aanay Somaliland kala qoqobnaan doonin, islamarkaana muwaadin walba xaq u yeelan doono in uu xisbiga Waddani iska sharraxo “Guusha waynu gaadhayna, gacmaha ayaynu is wada qabsanayna, Somaliland la wada leeyahay ayaynu dhisayna, bari iyo galbeed ma jirayo, jeegaani ma jirayso, oo maxaynu ku falayna jeegaanta haddii muwaadiniintuba siman yihiin oo ka Taleex jooga madaxweyne ka noqon karo halkan, ka Saylac joogana in uu Madaxweyne ka noqdo xaq u yeesho, oo halkan ka shaqaysan karo, madax ka noqon karo. Muwaadinimadu waa intaas waa in dalka la wada yeesho,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.