Xisbiga Waddani oo Ku Dhawaaqey Inay Soo Celin Doonaan Xubintoodii Komishanka Doorashada iyo Cirro oo Baaq diray

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay munaasibad xisbiga WADDANI u qabtay garabka haweeenka ee xisbiga waxaanu shaaciyey in xisbigu uu soo buuxin doono xubintoodii komishanka doorashooyinka ee ay hakiyeen.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqey musharxiinta golayaasha qaranka ee xisbigu inay soo cadeeyaan inay musharixiin u yihiin xisbiga.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegey in xisbiga WADDANI leeyahay 23 degmo doorasho. Waxaanu sheegay inuu xiisanayo inay musharixiinta xisbigu soo gudbiyaan musharxnimadooda inta anaay dhamaan bishan March.