Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Saxaafadda Iyo Xadhiga Muddo Dhaafay Ee Cabdimaalik Muuse Coldoon

London – (warsoor) – Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha warbaahinta ee murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay tacadiyada saxaafadeed ee ay xukuumadda Somaliland kula kacdo wabaahinta madaxa banaan.

Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah waffti culus oo uu hogaaminayo Murashaxa WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiyaha Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska oo uu guddoomiye Cirro martiqaad rasmi ah ka helay machadka siyaasadda lagu falanqeeyo ee Chatham House ayaa markii uu guuddoomiyuhu khudbadda jeediyey kadib waxaa warbahinta la hadlay Muniir Axmed Cigaal oo ka hadlay qodob ku saabsan tacadiga saxaafadda oo khudbaddii guddoomiyaha ka mid ahayd, waxaana uu hadalkiisa ku bilabay: “beryihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayay arrimo badan oo lagu cidhiidhinayo saxaafadda oo haddii la qoonsado jeelka loo dirayay dadkii lagu xidhay baan ka mid ahaa anigoo ah aasaasaha Somalilandtoday, Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo isna agaasime TV ah raggii lagiu xidhay buu ka mid ahaa markaa cidhiidhi badan ayaa saxaafadda ka haysta dhinaca gudbinta wararka oo sida Africa inta badanba dhacda ay xukuumaddu culays ku saarto inay wixii ay raali ka tahay ay gudbiyaan cidhiidhigaasina wuu soo kordhyay labadii sano ee u dambeeyey gaar ahaan heshiisyada DP World iyo heshiiska saldhiga ayaa saxaafadda in badan cidhiidhi ka soo wajaha, telefishanka Universal oo ka mid ah telefshada soomaalida ugu caalamisan oo waliba si dhexdhexaad ah u soo daayay waad ogtahay oo mulkiilahiisa anigoo tacsiyayna ayaa wax badani kala kulmee, (Hargeysa lagu xidhay)”

Geesta kale Muniir Axmed Cigaal ayaa sharci darro ku tilmamay xadhiga Cabdimalik Muuse Coldoon muddo bil ku dhaw ku xidhan Hargeysa, waxaana uu yidhi: “WADDANI xadhiga Coldoon aad buu uga xun yahay waa nin samafale ah waa nin dadka af soomaaliga ku hadla oo dhan aad u caawiyey dad badan oo waalnaa ayaa miyirku ku soo noqday markii uu caawiyey, Coldoon Muqdisho ayuu tagay, qaranimada Somalilan waa muqadas hadii uu xitaa yara taraaray oo qiiro ku yara dhacday xadhig muddo dheer ah oo aan maxkamad la hor keenin , maekaa coldoon kiiska loo haysto iyo wuxuu galay isma laha” ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.