Xisbiga WADDANI Oo Ka Baxay Heshiiskii Ay Xisbiyadda Qaran Wadda Gaadheen

Hargeysa – (warsoor) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in xisbiga WADDANI uu ka baxay heshiiskii ay saddexa xisbiga qaran wadda gaadheen.

Heshiiska ay saddexa xisbi qaran wadda dhigteen oo nuxurkiisu ahaa in tiradda komishanka doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood lagu kordhiyo 2 xubnood oo cusub.

Go’aanka xisbiga WADDANI ayaa ka dhashay ka dib markii Golaha Wakiiladda Somaliland kalfadhigoodii shalay ay ku laaleen heshiiska.

Golaha wakiiladda ayaa sheegeen in aanu goluhu ka doodin mooshinka wax lagaga badalaayo Xeerka doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha qaranka Xeer No.20/2001, qodobkiisa 11, qodobkaasii oo la soo jeediyey in la kordhiyo tiradda komishanka doorashooyinka Qaranka.

Xisbiga WADDANI ayaa ku eedeeyey xukuumadda kulmiyey inay si indho la’aan ah u buriyeen heshiiska ay xisbiyaddu gaadheen. Xisbiguna waxaa uu ku dhawaaqay inay ka baxeen heshiiskaasi oo aanu heshiiskaasi qabanaynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.