Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Aqooneed Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Kulan aqooneed noociisu ku cusub yahay dalka oo uu soo qaban-qaabiyey Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla mar ahaantaana lagu gorfeynaayey sicir-bararka iyo weli ba sababaha keena qiimo-dhaca ku yimi lacagta shillingka Somaliland, ayaa xalay ka qabsoomay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Kulankan aqooneedkan oo ahaa mid ay doodiisa ka qeyb-qaadanayeen khubaro ku takhasustay culuumta dhaqaalaha oo bareyaal sare ka ah jaamacadaha dalka iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo khibrad iyo aqoon dheer ba u leh hannaanka Maaliyaddeed iyo xisaabaadka Bangiyada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, hoggaamiyaha Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, Siyaasi Siciid Sulub,agaasimaha guud ee daladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga KULMIYE, abwaano tiro badan oo ka socday golaha Abwaanada Somaliland, odey-dhaqameedyo, macalimiin iyo arday ka socotay kuliyadaha dhaqaalaha ee jaamacadaha dalka, haween, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horeyn furay kulan aqooneedkaasi, ayaa ka hadlay muhiimadda uu lee yahay kulankaasi, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uga golleeyey siddii xal waara looggu heli lahaa dhibbaatada sicir-bararka isla mar ahaantaana loo carin lahaa maskaxda iyo aqoonta dadka ehelka u ah arrimaha dhaqaalaha si wax loogga qabto arrimahaasi.

“Munaasibaddan dood cilmiyeedka ah waxa ka soo qeyb-galay dhammaan oo lagu marti qaaday qeybaha bulshada iyo hay’adaha Xukuumadda ama qaranka dhammaantood, waxa halkan jooga salaadiintii, waxa jooga abwaaniintii, waxa jooga aqoonyahankii, jaamacadihii, waxa kale oo la marti-qaaday dhammaan hay’adaha qaranka Somaliland oo mawduucan aynu ka hadlaynaa uu khuseeyo oo ay ka mid yihiin bangiga dhaxe, bangiga dhaxe, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda arrimaha gudaha iyo weli ba ururada bulshada iyo kuwa aan dawliga ahayn inta ba iyo weli ba sida oo kale axsaabta qaranka Somaliland, waanan u mahad-naqeynaa dhammaan cid kasta oo ka soo qeyb-gashay munaasibaddan oo lagu falan-qeyn doono dood cilmiyeed looggu tallo-galay in aynu wax isku weydiino xanuunada jira oo ah sicir-bararka, xaguu innooga yimi?, siduu u yimi?, maxaynu ku daweyn karnaa?, markaa guud ahaan waa mawduucaas cilmi baadhista ah, waxaana inaga reeban dhammaanteen in cid ama shakhsi laga hadlo oo la weeraro ama laga hadlo hay’adaha qaranka se caawa waxa aynu ku koobnaan doonaa doodaas haddii Alle qadaro oo uu wada-hadalkeenu khuseeyaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo sida oo kale na ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha Somaliland, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo bandhigay duruufaha kala duwan ee ku gedaaman koriinka iyo caqabadaha dhaqaalaha Somaliland.

 “Waayaha dhaqaalaheena Somaliland waxa ka mid ah dhaqaale dagaal ka soo kabtay in uu yahay oo weli kabashadii ay wax kaga jiraan, wixii ka horeeyey ee seeska u ahaana ay hore u burbureen laakiin imika soo kabanaaya, waayahiisa waxa ka mid ah dhaqaale la hirdamaaya aqoonsi la’aan oo mararka qaar ay ka xidhan tahay caalamka kale ee ballaadhan, hay’adaha maalgashiga, deynta iyo baananka bal eh, waxa weeyaan duruufo dhaqaale oo horyaalkiisii oo ahaa xoolaha nool ay aafeeyeen abaaro iyo xaaluf ba, waxa weeye duruufo dhaqaale oo aan haba-yaraatee wax macdano ah ama shidaal ha ahaado ama macdano kele e’ midna aan illaa imika ku soo darsamin isticmaalkiisa, waxa weeyaan dhaqaale suuqiisu uu kooban yahay oo ilaa Afar Milyan oo dad ah baynu nahay baynu nidhaahnaa se dadka kale waa boqolaal Milyan se intaas aynu nahay ba duq ku ah.”.Ayuu yidhi Dr.Maxamed Cismaan Fadal

Pro.Cabdishakuur oo isna ah aqoonyahan da’yar isla mar ahaantaana culuumta dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargeysa sida oo kale na ah madaxa tobabarada ee Bangiga dhaxe ee Somaliland, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigya sababaha dhaliya sicir-bararka iyo weli ba sida oo kale qiimo-dhaca ku yimaada lacagta shilling Somaliland ta, waxaana uu carabka ku dhuftay in qiimaha lacagta Somaliland uu si aada hoos ugu dhacay.

“Sarifku waa isku bedelka lacagaha oo macnaha waxa weeye inta ay lacagi ka noqoneyso marka loo eego lacagaha kale, sida aynu ka warqabna na lacagta dalkeenu aad u qiimo dhacaysay muddooyinkii u dambeeyey oo imika tusaaleahaan bishii 7aad ee sannadkii hore sarifka lacagta ee halkii dollar waxa uu maraayey 7000/Sl/Shilling ah se January dan ama bishan aynu soo dhaafneyn waxa uu soo gaadhey 9000/Sl/Shilling ah taas oo aynu odhan karno lacagtii shilling Somaliland tu aad bay u qiimo dhacday runtii. Hada ba waxa aynu isweydiineynaa maxaa sababey hoos u dhaca ku yimi qiimahii shillingka Somaliland?, marka aynu arrintaas ka jawaabeynana waxa ay ku xidhan tahay waxa aynu dhoofineyno iyo wax aynu soo dhoofsaneyno oo imika Somaliland hadaad eegto wax badan ma dhoofino oo adhiga iyo xoogaa yaroo kale ayeynu dhoofin jirnay, adhiga ayaana dhoofkiisu ugu badnaa waxa aynu dibadda u dirno, markaa adhigii na imika wuu istaagay, wax badana waynu soo dhoofsanaa oo dhammaan waxa Hargeysa laga isticmaalo oodhan ba dibadda ayaa laga keenaa , sida oo kale waxa yaraaday lacagahii dibadda inaga soo geli jiray, yaraantaas ay yaraatay awgeedna waxa ay sababtay in dollarkii dhex yaalay wadanku uu yaraado.”.Ayuu yidhi Cabdishakuur

Pro.Cabdishakuur oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:“Sababaha keenay qiimaha dhaca lacagta haddii aynu u si daadegno waxa weeye Alaab badan oo aynu dibadda ka soo dhoofsano oo imika waxa ugu badan ee aynu imika soo dhoofsanaa waa qaadka, qaadka maalintii waxa aynu soo dhoofsanaa waa saddex Milyan oo habeenkii saddex Milyan oo dollar oo qaada ayeynu u baahan nahay, waxa ku xiga alaabaha kale ee aynu dibadda ka soo dhoofsano sida gaadiidkii iyo raashinkii kale ba oo iyagu na dollar innoogu yimaada, wax kasta marka aynu soo dhoofsaneyna dollar baynu u baahan nahay. Dollarku saddex meelood buu inaga soo gala waa adhigii aynu dhoofin jirnay oo la joojiyey, lacagta ay hay’adahu inagu caawin jireen oo yaraatay iyo weli ba sida oo kale lacagahii kale ee dibadda innooga imanaayey oo iyagu na yaraaday. Markaa saddexdaasi waxa ay sababeen in dollarkii wadanka dhex yaalay uu yaraado, sababta labaad ee dollarka yaraysay waxa weeye lacagta badan ee la daabaco.”

Xisaabiye sare Xasan Xuseen Codyare, xildhibbaan Xuseen Ismaaciil iyo weli ba sida oo kale xeel dheerayaal kale oo culuumta dhaqaalaha ah misna ka socday jaamacadaha dalka oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay sicir-bararka iyo waxyaabaha sababa, nidaamka maaliyaddeed ee dalka iyo weli ba sida oo kale sida adeegyada ZAADka iyo E-DAHAB ay saameyn ugu lee yihiin sicir-bararka, waxaana ay carabka ku dhufteen in sicir-bararka dalku uu maraayo heerkii ugu sareeyey ee uu abid gaadho iyaga oo sida oo kale na tilmaamay in adeegyada ZAADKA iyo E-Dahab aanay ka qeyb-qaadanin Sicir-bararka.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si cad uga sheekeeyey faa’idooyinka lacagaha adeegyada ZAADKA iyo E-Dahab, waxaana uu tilmaamay in aanay wax saameyn ah ku lahayn sicir-bararka.

“Lacagta teleefanadu(ZAAD iyo E-Dahab) faa’idooyin badan bay u lee yihiin dadka iyo dalka ba, waxaana ay dalka ku soo kordhisay in hada nidaamkii dakhli ee Xawaaladahu uu isu bedelo ba oo ay dhammaan shirkadahi u guuraan oo ay ku tiirsanaadaan misna ay noqotay goob dakhli oo ugu weyn meelaha uu dakhligu inaga soo galo, marka labaad waxa ay noqotay meel aynu ku keydsano dhaqaalaheena oo Bangi ah oo marna iyada oo xawaalad ahaan loo isticmaalayo hada na bangi loo isticmaalayo , waxa kale oo ay badbaadiyeen in lacagaha Taleefanadu in wakhti badan inagaga baxo in aynu lacag dirno, mar kale na lacagta qofku jeebka ku sito iyo midda uu taleefanka ku sito waxa badbaado badan ta uu qofku ku sito taleefanka.”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap