Xisbiga UCID oo Xilkii Iyo Xubinimadii Ka Qaaday Xoghayihii Arrimaha Gudaha Ee Xisbigaas

HARGEYSA – (WARSOOR) โ€“ Maxamuud Cali Jiir oo ka mida masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulan ay isugu yimaadeen maanta guddida fulinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo uu shirgudoominaayay guddoomiyaha xisbigaasi Eng: Faysal Cali Waraabe lagu goโ€™aaminyay in xilkii iyo xubinimadii xisbiga laga qaado Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaanuu intaas ku daray in sababta xilka looga qaaday Ramaax ay tahay inuu ka soo hor jeestay heshiiskii is bahaysiga labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI.

Maxamuud Cali Jiir waxa kale oo sheegay in xisbigaasi markii ay sameeyeen la tashi ay isla garteen in xilka xog-hayaha arrimaha gudaha ee xisbigaas loo magacaabo siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe, oo xisbigaas ka tirsan.

 Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID uu maanta xilka ka qaaday ayaa shalay sheegay inuu garab xisbigaas ka tirsani uu ka soo hor jeedtay heshiis ay gaadheen xisbiyada mucaaridku, kaas oo ay ku shaaciyeen xubnaha ay u xuleen in ay u tartamaan shirguddoonka golaha wakiillada cusub.