Xisbiga UCID Oo Cududa Taageereyaashiisa Hargeysa Ku Soo Bandhgay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ayaa maanta soo gabogabeeyey ololihiisii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, iyadoo guddoomiyaha xisbiga UCID uu fagaaraha beerta Xoriyadda ee caasimada Hargeysa kala qayb galay isu soo baxyadii taageereyaasha xisbigaas.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyeen xubno ka mid ah Hoggaanka iyo Murrashaxiinta xisbigaas ayaa Kumanaan ka mid ah taageereyaashooda kula hadlay Fagaaraha Beerta Xoriyadda.

Guddoomiye Faysal waxa dadweynaha reer Hargeysa ugu baaqay inay u coddeeyaan murrashaxiinta ay xisbi ahaan soo xuleen oo uu ku tilmaamay qaar dhallinyaro ah oo ay ku soo doorteen xilkasnimo.