Xisbiga KULMIYE Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga

Hargeysa – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE kuna saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen ayaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel).

Wareegtaddan ayaa lagu sheegay in Jaamac Shabeel si badheedh ah uga horyimid siyaasaddii xisbiga iyo ta dawladda uu ka tirsanaa, waxaanu xilkiiga uga faa’iidaystay inuu ka badhadheedo fikirkiisa shaqsiga ah.

Jaamac ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu muddooyinkan dambe uu caadaystay inuu ka horyimaado go’aanadda xisbiga iyo xukuumadda, arintaasi maamulka sare ee xisbigu si gaar ah loogala hadlay, balse uu sii wadday.

Go’aankan xilka-qaadista Jaamac Shabeel ayaa yimid ka dib markii dhawaan ay xukuumaddu dhaqan-gelisay xeerka Kufsiga, xeerkaasi oo uu xoghaye Jaamac Shabeel uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa xarunta dhexe ee KULMIYE halkaasi oo uu sheegay inuu bari ka yahay go’aanka ay xukuumaddu ku dhaqan-galisay xeerkaas.

Jaamac ayaa bishii Augusto, 2018 ku dhawaaqay inuu u tartamayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi, “Sannadkan waan u tartamayaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, haddii layga helana waan hannaynayaa oo hore ayaan u soconayaa, marka aad u socoto madaxweynenimada waa in aad qabato guddoomiyaha xisbiga, waana qasab in aan u tartamo guddoomiyaha xisbiga, waanan ku rejo waynahay in aan maalin uun ku fadhiisto guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waanu igu jiraa hankaasi.”

Xeerkan markii uu soo baxay wuxuu khilaaf iyo kicin ka dhex abuuray xukuumadda iyo bulshadda, waxaana si weyn u naqdiyey culumadda waaweyn ee dalka. Madaxweynaha ayaana markii dambe xeerkaasi guddi u saaray dib u eegis ku soo samaysa.

Haddaba, go’aanka xisbigu ka qaatay xilka qaadista Jaamac Shabeel ayaa ahaa mid la filaayey, maadamaa uu guddoomiyuhu uu naqdiyey go’aanka xukuumaddu ku dhaqan-galisay xeerkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.