Xisbiga Kulmiye oo Sheegay Inay Talaabo ka Qaadi Doonaan Ciddii Ka Qayb-gashay Caleema Axmed Madoobe

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in xisbigu uu talaabo ka qaadi doono, agaasimihi hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta & Qoyska oo ka qayb-galay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Maxamud Jaamac Warfaa oo wareysi gaar ah siiyey Telefishanka Saab TV, ayaa sheegay in xubnaha ka qayb-galay xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamul goboleedka Jubland aanay mataleyn xisbiga oo ay yihiin xubno iskood u tagay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu uu shir isugu iman dooono talaabana laga qaadi doono Agaasimihii hore ee Warfaafinta oo ah xubin golaha dhexe ka mid ah.

Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay SAAB TV.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.